|
Ku saabsan www.isbaringiriiska.com |
|
www.isbaringiriiska.com waa website ay kuu diyaarisay shirkadda isbar company ee baridda luuqadaha, waxaad iskoolkan ka helaysaa waxbarasho astaanteedu tahay maqal iyo muuqaal, waxaad sijoogta ah ugala soconaysaa baqolaal cashirood oo u habaysan hannaan ku salaysan qaabka casriga ah ee loo barto luuqadaha kale . Cashiradan ingiriisiga ee iskugu jira cashiro daboolaya afarta waaxood ee laga barto luuqad walba ee ah {hadal, fahanka maqalka, akhriska iyo qorista }. Sidoo kale dhamaan cashiradu waxay ku tarjamanyihiin af-soomaali, waxaana intaa usii dheer sawiro la socda oo kuu sii cadaynaya . Wuxuu ka koobanyahay boggani saddex leebal, leebal walbana waxaad ka helaysaa qeybo kala duwan, sida cashirada qoraalka, akhriska, wadasheekaysiga, ama dhagaysiga iwm . Wuxuu kaloo boggani daawaynayaa dhibaatooyin fara badan oo la kulanta bartayaasha luuqadda ingiriisiga sida dhawaaqa luuqadda ingiriisiga . Waxaan rajaynaynaa inaad u bogi doontaan baggan, una riyaaqi doontaan cashiradiisa xiisaha badan, waxaan idinku bishaaraynayaa in mudo gaaban aad ku hanan doontaa hogaanka luuqadda ingiriisiga. Inshaa allaah
Maxaan ugu xishaa ? ? Waxaad awood u yeelan inaad ku barato af-ingiriisiga gurigaaga, xafiiskaaga, hadwalba iyo meel walbood joogtid. ? Waxaa wax ku bari doona macalimiin khibrad dheer wata, oo ku qaatay shahaadooyinka sarsare luuqadda ingiriisiga. Sida (PHD&MS)ba. ? Si dagdag ah ayaad wax u baran. Maalin kasta waxaad dareemi kobac ku yimaada luuqadaada, waxaadna baran ereyo iyo jumladooyin muhim ah.
Waxaan idiin haynaa
1-Tacliin tayo leh.
2-Barayaal khibrad leh.
3-Manhaj casri ah.
4- Qiimo macquul ah.
|